U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo siyaasiyiin ku eedeysay hurinta colaada Hiiraan

Sheeko:War
wasiir xigeenka arr gudaha iyo ugaaska
Bidix, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha Cabdi raxmaan Maxamed Bankax oo la fadhiya Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble iyo masuul kale

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in siyaasiin ay ka qayb qaadanayaan hurinta dagaal beeleedyada ka jira gobolka Hiiraan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Bangax oo ka mida ah guddi xukuumadda ay u saartay Coladaha Gobolka Hiiraan ayaa ka dalbaday siyaasiintaasi hakinta ku lug lahaanshaha coladaha ka jira Gobollada Dalka.

Ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Gudaha waxa uu ku sheegay hadal uu siiyay xafiiska Goobjoog FM ee Magaalada Beledwayne in uu dhamaaday waqtigii laga qayb qaadan lahaa dagaal beeleedyada.

“Bedelkii Siyaasiinta ay hurin lahayeen dagaalada ka jira Gobollada koonfurta iyo bartamaha, haka qayb qaataan Nabadaynta Beelaha” ayuu ku sheegay Wareysiga uu siiyay Goobjoog FM

Guddiga Xukuumadda federaalka Soomaaliya u dirtay Magaalada Beledwayne ayaa wali ku howlan dhex dhexaadinta   maleeshiyaadka hubka iskala soo horjeeda deegaanada Deefow iyo Kablaxanlay ee Gobolka Hiiraan.