U bood dhigaalka

Xuska Maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo Muqdisho Lagu Qabtay

Sheeko:Waxbarashada

Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga xusay maalinta macallinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21 Nuvember, waxaana jirtay munaasab lagu weynaynaayey xuskaas oo maanta ka dhacday magaalada caasimadda ah, sanadkii 1974-tii bishii November 21-keeda ayaa loo Asteeyey maalinta macallinka Soomaaliyeed,

Munaasabadda lagu xusaayey maalintaas oo Muqdisho ka dhacday ayaa waxaa kasoo qeyb-galay wasiirudawlaha wasaaradda waxbarashada  Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle {Jaabiri) ,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada mudane Axmed Xasan Yuusuf, Senatoro iyo mas’uuliyiin Hay,adda Turkish Ma’rif,

Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya  Axmed Xasan Yuusuf ayaa sheegay in macallinku yahay iftiinka bulshada, waxa uuna hambalyo u diray macallimiinta Soomaaliyeed dhammaan.

Waa maalin ka mid ah maalmaha ugu weyn Dadka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasaxaa dugsiyada iyo dhammaan Goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallimiinta Soomaaliyeed Bulshada kaga jiraan.

Goobjoog News