U bood dhigaalka

Xuutiyiinta Yemen Oo War Ka Soo Saaray Weerarada Kaydka Saliidda iyo Gaska Sacuudiga!

Sheeko:Caalamka

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay weeraro isdaba joog ah oo lagu weeraray xarumaha kaydka saliidda iyo gaaska  ee magaalooyinka  Jeddah iyo Riyaad.

Weeraradaan ayaa loo adeegsaday gantaallo culus iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Drones-ka kuwaas oo lagu garaacay xarumaha Gaaska iyo Saalidda lagu kaydiyo ee sacuudiga.

Muuqaallo la soo duubbay xilliga uu weerarka dhacayay ayaa muujinaya qiiq madow iyo holac isqabsaday kadib markii gantaallaha ay ku dhaceen xarumahaan.

Xarunta kaydka saliidda ee Jeddah ayaa loo diyaarinayay in Axadda beri ah uu ka dhaco tartanka Formula One, kaas oo ka hor weerarada qaban qaabadiisa ay socotay.

Sacuudiga iyo shirkadda Aramco oo ay dowladdu maamusha ayaan wax war ah ka soo saarin weerarada lagu qaaday xarumahooda.

Yahya  Sarea oo ah afhayeenka militeriga xuutiyiinta ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii sheegay in gooxdooda ay gantaallo ku weerareen xarumaha Aramco iyo warshadaha Ras Tanura iyo Rabigh, isagoo sidoo kale sheegay in weerarada ay qayb ka ahaayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in weerarada ay sidoo kale qayb ka ahaayeen weeraro ka dhacay caasimadda Sacuudiga ee Riyad.

“Weerarrada ayaa lala beegsaday “xarumaha Aramco ee Jeddah iyo xarumaha muhiimka ah ee caasimadda cadawga Sacuudiga, Riyaad” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Yahya  Sarea oo ah afhayeenka militeriga xuutiyiinta.

Goobjoog News