U bood dhigaalka

Yaa Hortaagan In La Muddeeyo Mooshinka Jawaari?!

Sheeko:Baarlamaanka

Sida uu qabo xeer-hoosaadka golaha shacabka, waxaa gebo-gabo maraya mudaddii ay aheyd in loo codeeyo mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaa intaas dheer iyada oo golihii shacabka howl-maalmeedkii gabay ayaaney jirin wax fadhi ah oo la qorsheynayo iyo saan-saan lagu muddeynayo codeynta mooshinka.

Xildhibaanno golaha shacabka ah oo tiro ahaan lagu sheegay 107 ayaa 14-kii Maarso Mooshin ka gudbiyay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyaga oo ku eedeeyay in uu hareer maray dastuurka dalka, ku kacay xadgudub ka dhan ah xeer-hoosaadka baarlamaanka iyo in uu ku fashilmay dhameystirka qaab dhismeedka guddiyada baarlamaanka, gaar ahaanna guddiga adeegga baarlamaanka.

Labo maalin kadib marka mooshinka la qabtay, guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo arrinta mooshinka ka hadlayey waxaa uu xukuumadda Kheyre ku eedeeyay in ay rabto la wareegidda hey’adda sharci-dejinta isaga oo intaasi raaciyay“Khilaafka mooshin kalsoonida kala noqoshada waa uu dhammaaday, waa la ogolaaday in mooshinkaas uu jiro, loona baahan yahay tillaabadii habooneyd si waafaqsan heer hoosaadka, kaasi oo sheegaya in 10 beri gudhaood lagu hor-geeyo golaha shacabka oo ay u codeeyaan”.

Mooshinkaas marka la qabtay kadib, waxaa istaagay howlihii iyo kulllamadii golaha shacabka, sida xeer-hoosaadka qabana Jawaari inta codka kalsoonida loo qaadayo ma hoggaamin karo  golaha, waxaana shaqada la wareegay ku-xigeenkiisa 1aad Cabdiwali Shiikh Ibraahim Muudey.

Xildhibaannada golaha shacabka sida Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo  la hadlay Goobjoog News waxaa ay dalbadeen in  golaha fariisto sida ugu dhaqsaha badan, codka loo qaado guddoomiye Jawaari, si markaasi kadib shaqada aqalka caadi ugu soo noqoto.

Aqalka sare ee baarlamaanka 10aad, guddi 7 xubnood oo uu saaray ka qeyb qaadashada xal u raadinta khilaafka golaha shacabka, uuna hoggaaminayey guddoomiyaha golaha Cabdi Xaashi, tallooyinka ay soo saareen waxaa ka mid ahaa “Guddiga waxaa ugu baaqayaa guddoonka golaha shacabka shirka guddiga joogtada ah sida ugu dhaqsaha badan si loo agaasimo hab-raaca mooshinka ka yaallo guddoomiyaha golaha shacabka”.

Maxaa Mooshinka Loo Muddeyn La’yahay?

Xubno ka tirsan guddoonka golaha shacabka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in maanta aanu jirin wax kulan ah oo golaha shacabka  ah isla markaana aan weli la go’aamin waqti ay fariissanayaan guddiga joogtada ah si arrinta mooshinka go’aan looga gaaro, iyaga oo ka gaabsaday sababta iyo cidda meer-meerineyso in aqalka shaqeeyo.

Guddoomiye Muudeey Oo La Eedeeyay:

Xubno ka tirsan guddiga joogtada ah ee golaha shacabka oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka Cabdiwali Shiikh Ibraahim Muudey ku eedeeyeen in aanu daacad ka aheyn muddeynta mooshinka Jawaari, oo uu mar walbo dib dhigayo, iyaga oo intaasi raaciyay in go’aanka la sugayo uu yahay mid siyaasadeed oo xukuumadda oo ay lu lug-yeelan-doonto sida, qaabka iyo goorta la muddeynayo mooshinka guddoomiye Jawaari.

Ka hadlidda siyaasadeynta mooshinka, sida uu Goobjoog News u sheegay Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa, Mooshinkan waxaa wado xildhibaannada xukuumadda Kheyre ugu jira golaha shacabka, kuwaas oo sida uu sheegay is-difaacyo isaga oo yiri “Xukuumadda Mooshin ma waddo, Ra’isul wasaare Mooshin saxiixay ma arag, wasiir aan Xildhibaan aheyn oo wax saxiixay ma jiro, waxa mooshinka wado waa Xildhibaanno wasiirro ah oo iska difaaca weerar lagu soo qaaday, xaq ayey u leeyihiin taas, Jawaarina waa geystay dhammaan wax walbo oo lagu eedeeyay”

10-ka Maalin kadib,

Ilaa hadda lama oga sida loo xallin-doono arrinta Muddeynta Mooshinka marka uu dhammaado 10-ka maalin ee xeer-hoosaadka, waxaa kale oo su’aalo ka taagan tahay halka codeynta ka dhici-doonto iyo qaabka loo coddeynayo.

Cod-bixinta Mooshinka:

Sida ku qoran Qodobka 65aad ee dastuurka, faqrada 4aad, guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa waxaa codayn qarsoodi ah ku doorta aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha golaha shacabka ee federaalka ah, xilkana kaga qaada codbixinta saddex dalool laba dalool xubnaha golaha shacabka federaalka ah.

Goobjoog News