U bood dhigaalka

Yaa Ka Qeybgalaya, Yaase Diiday Shirka Daah-furka Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka?!

Sheeko:Baarlamaanka

Axadda Berri ah, waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka furmo shir lagu daah-furayo ololaha dib u eegista dastuurka KMG ah.

Shirkan oo soocon-doonna 3 maalin, waxaa ka qeybgalaya tiro ahaan dad  ka badan 350 qof oo ka kala socda dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda dastuurka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in shirkan ay ka soo soo qeybgali-doonnaan mas’uuliyiin iyo shakhsiyaad ka socday hey’adaha dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada.

Marka laga soo tago hey’adaha dowladda federaalka ah, guddiyada dib-u-eegista dastuurka, wasaaradaha dastuurka ee maamul goboleedyada waxaa kale oo ka soo qeybgali-doonna dhalinyaro, haween, siyaasiyiin, culimo, odayaal, naafo, qurbo iyo qeybo kale oo socda Muqdisho iyo gobollada dalka.

Sida qorshuhu yahay madaxweyne Maxamed Cabduulahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu halkaasi ka jeediyo khudbad daah-fur ah oo looga hadlayo sida ay tahay in loo wado howlaha dib-u-eegista dastuurka.

Dhinaca kale, Aadan Ibraahim Aw Xirsi oo ah wasiirka wasaaradda Dastuurka ee Jubbaland ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Jubbaland aanay qeyb ka noqon doonin shirkaasi.

Sababta aysan Jubbaland shirkan uga qeybgaleen wasiirka faah faahin dheeraad ah kama aanu bixin, hase ahatee wuxuu tilmaamay in maamulkooda aanu ka qeybgaleyn.

Goobjooog News