U bood dhigaalka

Yaa Ku Matalayay 13-kursi Ee Jadwalkooda La Shaaciyay Koonfur Galbeed Baarlamaankii 10-aad?

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga hirgelinta doorashooyina SEIT ee Koonfur galbeed ayaa shaaciyay jadwalka iyo habraaca doorashada 13 kursi oo ay horay u soo saareen liiskooda.

Kuraastaan ayaa lagu dooranaya magaalada Baraawe ee xarunta maamulka koonfur galbeed, waxaana tirsiga kuraastaan ay kala yihiin HOP#187, HOP#251, HOP#195, HOP#194, HOP#062, HOP#256, HOP#162, HOP#256 iyo kuwa kale .

Kuraastaan ayaa waxaa dadka reer koonfur galbeed afartii sano ee la soo dhaafay baarlamaanka tobonaad ugu fadhiyay xildhibaanada kala ah :-

  1. HOP#187: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Shariif Sheekhuna Maye.
  2. HOP#251: Waxaa ku fadhisay xildhibaanad Nuura Cayni Khaliif Sheekh Abuu.
  3. HOP#195: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Maxamed Nuuraani Bakar.
  4. HOP#194: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada & Cayaaraha XFS.
  5. HOP#062: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Cali Yuusuf Cismaan.
  6. HOP#148: Waxaa ku fadhisay xildhibaanad  Aamina Xasan Cali .
  7. HOP#162: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Cali Sheekh Cabdullaahi.
  8. HOP#256: Waxaa ku fadhisay xildhibaanad Nadiifa Aadan Isaaq.
  9. HOP#045: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Cabdirashiid Maxamed Axmed.
  10. HOP#057: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Axmed Cumar Islaw.
  11. HOP#143: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Cali Sheekh Maxamed Nuur.
  12. HOP#163: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Isaaq Maxamed Maxamuud Aboow
  13. HOP#145: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey .