U bood dhigaalka

Yaa Ku Soo Baxay Kuraasta Maanta Lagu Doortay Dhuusamareeb?

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamul goboleedka Galmudug ayaa waxaa manata ka dhacday doorashada afar kursi oo katirsan golaha shacabka  Baarlamaanka 11-aad ee dowladda federalka ee  Soomalaiya, oo  heer gabagabo  maraya.

1:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#138 ayaa waxaa ku soo baxay musharrax xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kadib markii ay tartanka kursiga ay ka tanaasushay Nimco Xuseen Cali, waxaana gacantaag uu ku helay 86 cod Eradii ah.

May be an image of 5 people and suit

2: Kursiga tirsigisu yahay HOP#007 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Faarax Cabdi Diini, kadib markii kursiga uu isaga taanasulay Maxamed Cabdi Cali, Farax ayaa gacantaag ugu kusoo baxay 76 cod oo ah guud ahaan codadkii Ergada.

May be an image of 10 people and people standing

3: Kursigatirsigiisu yahay HOP#040 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane, kaas oo 101  cod kusoo baxay  codadkii Ergada, kadib markii uu tartanka ka tanaasulay Xasan Cabdi Jaamac oo ahaa tartamaha labaad.

May be an image of 6 people and people standing

4: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#053 oo ah kursiga ugu dambeyay doorashada maanta ayaa waxaa ku tartamay musharixiinta kala ah:-

1- Xaajiyo Axmed Gaas.
2- Ubax Cabdi Cali
3- Raysal Qorane Abshir.
4- Zamzam Xasan Diiriye
5- Faadumo Cabdullaahi Sheekhdoon
6- Hani Cabdi Gaas
7-Fahmo Caabi Guureeye
Musharixiintaan ayaa kala helay codad gaaraya :-
1- Raysal Qorane Abshir 83 Cod
2- Ubax Cabdi Cali 0 cod
3- Zamzam Xasan Diiriye 0 cod
4- Faadumo Cabdullaahi Sheekhdoon 0 cod
5- Hani Cabdi Gaas 0 cod
6-Fahmo Caabi Guureeye 1 cod
7 Xaajiyo Axmed Gaas. (Tanaasushay)
Waxaana sidaas kursiga tirsigiisu yahay HOP#053 ugu guuleeystay xildhibaanad Raysal Qorane Abshir oo heshay 83 Cod.
May be an image of 6 people, people sitting, people standing and headscarf