U bood dhigaalka

Yaa Ku Soo Baxay Kuraasta Maanta Lagu Doortay Dhuusamareeb?

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa goordhaw la soo gabagabeeyay doorashada laba kursi oo maanta sabti ah ka dhaceysay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug.

Kursiga koowaad ee tirsigiisu yahay HOP#025 waxaa kuwada tartamay musharixiinta kala ah Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) iyo Xasan Cali Cusmaan.

Waxaana ku guuleystay Maxamed Abuukar Cali (Jacfar)  oo helay 100 cod kadib markii tartanka uu ka tanaasulay musharax Xasan Cali Cusmaan.

Waxaana sidaas kursiga tirsigiisu yahay HOP#025 ugu soo baxay xildhibaan Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) oo ku fadhinayo tan iyo 2025.

Kursiga labaad  ee tirsigiisu yahay HOP#081 waxaa kuwada tartamay musharixiinta kala ah Cadar Cali Maxamed  iyo Nasro Maxamed Dalabey.

Waxaana ku guuleysatay Cadar Cali Maxamed oo hesha71 cod, kadib markii tartanka uu ka tanaasushay  musharax Nasro Maxamed Dalabey.

Waxaana sidaas kursiga tirsigiisu yahay HOP#081 ugu soo baxay xildhibaanad Cadar Cali Maxamed  oo ku fadhineyso tan iyo 2025.

Goobjoog News