U bood dhigaalka

Yaa Kusoo Baxay HOP#011 oo Baladweyne Lagu Doortay?

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta lagu doortay kursi katirsan golaha shacabka Baarlamaanka11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya  kaas oo doorashadiisu ay istaagtay habeenimadii xalay, kadib qaraxyo isxigay oo ka dhacay gudaha magalada, waxaana tirsigiisu yahay HOP#011.

Kursigaan ayaa waxaa doorashadiisa lagu madlansanaa 23-kii bishaan, waxaana ku tartamay laba musharrax oo  kala ah,Abdrisisaq Cumar Maxamed iyo Maxamed Cumar Barrow, waxaana ku guulaystay Murashax Cabdirisaaq Cumar Maxamwd helay 55, Halka musharraxii la tartamay Maxamed Cumar Barrow helay 46, codadkii Ergada.

Doorashada kursigaan ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa iyadoo habeenimadii xalay lagu dilay gudaha magaalada Baladweyne Allah unaxariistee xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo qarax uu fuliyey ruux naftiis hure ah uu isku qarxiyey, waxaana la arkayey ergada qaar oo madaxa ku duubtay maro gaduudan xiligii ay socotay codeynta.

May be an image of 4 people, people standing, people sitting and outdoors

 

Goobjoog News