Yaa Kusoo Baxay Kursiga HOP#039 oo Lagu Doortay Baladweyne?

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta lagu doortay kursi ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuryadda federalka Soomaaliya, kaas oo tirsigiisu yahay HOP#039.
Kursiga ayaa waxaa ku tartamay laba musharrax oo kala ah Cali Xaaji Aadan Abuukar iyo Aamina Xaaji Bile Cali, waxaana musharrax Cali Xaaji uu soo baxay 86-cod, kala musharrax la tartamay Aamina ay heshay 13-cod.
Kursigaan waxaa ku fadhisay Drs. Maryan Axmed Haaruun, kuraastii taallay Baladweyne ayaa waxaa ka haray HOP#135 oo ay ku fadhisay AUN Aamino Maxamed Cabdi oo 23-kii Maarso ku geeriyootay qarax ismiidaamin.
Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa laga sugayaa 7 kursi, kuwaas oo deegaan doorashadoodu ay tahay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe, waxaana la filayaa in dhowaan ay ka dhacdo doorashadooda.
Goobjoog News