U bood dhigaalka

Yaaku Soo Baxay Kuraasta Maanta Lagu Doortay Baydhabo?

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Baydhabo ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa manta lagu doortay 5 kurisi, oo ka tirsan golaha shacabka oo ka mid noqnaya Baarlmaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya.

1Kursiga tirsigiisu yahay Hop# 177 ayaa waxaa ku soo baxay  musharrax xildhibaan Cabduqaadir Sheekh Cali (Baraka) oo 175 ayaa kaga guuleystay  Maxamed Abuukar Kheyre, oo ka  helay 16 cod, wadarta codadkii la dhiibtay

2 Kursiga tirsigiisu yahay Hop#188 ayaa waxaa ku gulaystay Maxamed Cabdi Maxamed oo 73 cod kaga guuleystay musharraxii la tartamay Cabdisamad Aadan Isaaq oo helay 23, halka uu halaabay 1cod wadarta codadkii Ergadu dhiibatay.

3 Kursiga tirsigiisu yahay Hop#185 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed oo 73 cod kaga guulaystay musharraxii la tartamay Maxamed Nuur Maxamed oo helay 24 cod, 6 lix cod  ay halaabay wadarta guud.

4Kursiga tirsigiisu yahay Hop# 159 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax Maxamed Barre Maxamuud oo 73 cod kaga guulaystay musharrax Cabdullaahi Maxamed Isaaq oo la tartamay oo 23 cod, wadarta codadkii guud ee Ergadu dhiibatay.

5Kursiga tirsigiisu yahay Hop# 175 ayaa waxaa ku soo baxay musharrax Dr. Cabirashiid Maxamed Nuur oo 70 kaga guulaystay musharrax Aadan Maxamed Ibraahim oo la tartamay oo 22 cod, 3 ayaa halaabay wadarta guud ee codadka.

Xildhibaannadaan manta lagu doortay ayaa waxaa ay ka mid noqonayaa tiro xildhibaanno ah kuwaas oo maalmihii tagay lagu doortay magalaada Baydhabo, waxaana ay ka mid noqnayaa Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka, kaas oo lagu wado in laga soo gabagabeeyo doorashadiisa February 2022-ka.

G

Goobjoog News