U bood dhigaalka

Yoweri Museveni oo Guuleystay iyo Bobi Wine oo Natiijada Qaadacay

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha wadanka Uganda Yoweri Musevani ayaa la sheegay inuu ku guyleystay doorashadii dalkaas ka dhacday maalinimadii Kahamiista isagoona codadkii la dhiibtay ka helay 59% halka ninkii la tartamayey ee Bobi wine uu helay 35% codadkii la tiriyey.

Hoggaamiyaha mucaaradka ah Robert Kyagulanyi oo loo yaqaano Bobi wine ayaa sheegay inuusan aqbaleyn natiijada doorashada, isaga tilmaamay inuu hayo cadeymo muujimaayo in lagu shubtay doorashadii dhacday, waxaana uu intaas ku daray in xitaa loo diiday inuu ka baxo gurigiisa oo ciidan la duldhigay.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, oo xukunka hayey 35 sano, ayaa markii lixaad loo doortay xilka madaxweynaha wadanka, waxaana uu talada dalka la wareegay sanadkii 1986-dii.

Museveni oo 70 sano jir ayaan sanadihii dambe aysan jirin tartan muuqda oo uu la kulmayey iyadoo mucaaradku aad uga baqanayeen taliska ilaa Bobi oo ahaa fanaan aad dadka reer Uganda aad u xiiseeyaan uu sheegay inuu tartamayo Museveni waa mid kamid ah hoggaamiyeyaasha afrika ugu xukunka dheeraa ee soo mara.

Goobjoog News