U bood dhigaalka

Yurub Ma Dagaal Ayaa Ka Bilaaban Raba?

Sheeko:Caalamka

Waxaa dalka dhaca bartamaha qaarad weynta Yurub ee Poland gaaray ciidamadii ugu horeyay ee ka socda dowaldda Mareykanka kuwaas oo qeyb ka ah gaashaanbuurta NATO.

Ujeedka ciidamada mareykanka loo geeyay dalka Poland ayaa ah in ay ka difaacaan dalkaas dagaal laga cabsi qabo in uu ku soo qaado Ruushka.

Ruushka ayaa xadka uu la wadaago dhiggiisa Ukraine waxa uu soo dhigay ciidamadiisii ugu badnaa kuwaas oo diyaar u ah dagaal ka qarxa halkaas haddii xubnaha NATO ay ku adkeystaan in Ukraine ay ku biirto gaashaanbuurta.

Waxaa bartamaha Yurub ka taagan xiisaddii ugu adkeyd kadib dagaalkii labaad ee dunida, halkaas oo dowladda Ukraine ay rabto in ay kamid noqoto gaashaanbuurta  NATO, xilli Moscow ay diidan tahay in dalkaas uu ku biiro xulafada NATO.

Poland oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo kor u dhaafaya 4,000 kuwaas oo mareykan ah ayaa hadda waxaa ku biiray in ka badan 1,700 askar mareykan ah.

Joe Biden madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in dalkiisa uu qeyb ka yahay sidii loo xoojin lahaa awoodda gaashaanbuurta NATO.

Goobjoog News