10 Qof Oo Ku Dhaawacantay Qarax Caawa Ka Dhacay Muqdisho
Sheeko:Dalka
Qarax gaari ayaa goor dhow oo caawa ah waxa uu ka dhacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaasi oo waxyeello soo gaarsiiyey shacab halkaasi ku sugnaa.
Goob joogayaal ayaa xaqiijiyey in gaarigan la dhigay meel wadada dhinaceeda ah, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay 10 qof oo isugu jira ganacsato halkaasi ku sugneyd iyo dad kale oo goobta marayey.
Dadkii dhaawac ahaa ayaa loola cararay isbitaalka Madiina, iyadoo halkaasi ay gaareen ciidamada ammaanka oo baritaanno wada.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News