U bood dhigaalka

Hooyo Araga La Oo Ka Sheekeysay Dhibaato Ay Kula Soo Kulantay Dalka Yemen

Sheeko:Dalka

Xaliimo Muunye Rooble waa hooyo Soomaaliyeed oo araga la, waxaana ay ka mid ahayd dadkii dhawaan kasoo cararay dalka Yemen.

Waxa ay sheegtay in dalkaasi dhibaato badan ay ka jirto, waxaana ay tilmaantay in shaqsiyan ay soo martay dhibaato aad u badan.

Gaari ay kasoo raacday dalka Yemen ayeey sheegtay in uu la rogmaday, islamarkaana dhanka Lugaha ay wax kasoo gaareen.

“Dalka Yemen rafaad ayaa yaalla, gaari la’isoo saaray wuu nala rogmaday, aniga lugaha ayaa wax iga soo gaareen, indhaha Yemen ayaan ku beelay, waxaa garabkiisa igu soo qaaday wiil aan korsaday” ayeey tiri Xaliimo.

Dhinaca kale Xaliimo Muunye oo aan arag lahayn ayaa sheegtay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo ku dhibban dalka Yemen, una baahan gurmad degdeg ah.

Ugu dambeyn Mama Xaliimo ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad siiyaan iyada oo araga la, hadana ka xanuunsan dhanka lugaha, lana joogto walaasheed oo aan waxba haysan.

Goobjoog News