U bood dhigaalka

Siyaasi Ku Sugan Magaalada Baydhaba Oo Ugu Baaqay Shacabka In Ay u Gurmadaan Soomaalida Ku Dhibban Yemen

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay laguna magacaab Cabdiqaadir Abukar ayaa ugu baaqay shacabka in ay u gurmadaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen.

Waxa uu sheegay in maanta la joogo xilligii ay is garab geli lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, loona baahan yahay cid walba in ay kaalinteeda ka qaadato u gurmashada walaalaha dhibban.

“Anaga hadaan Soomaali nahay waxa halkaan na dhigay waa qalbi xumo, waa isku danqasho la’aan, maanta waad arkeysaan caalamka dhibaato ayaa ka jirta, waa maalintii aan isku gurman lahayn, waa maalintii aan caloosha isku furi lahayn, waa maalintii aan gacan shisheeye ka maarmi lahayn” ayuu yiri Cabdiqaadi.

Dhinaca kale siyaasigaan ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in cid walba oo dowladda u shaqeeyo laga jaro lacag, si dadkaasi loogu gurmado, dowladana ay tahay midda kaliya ee shacabka u horseedi karta isku duubnaan.

Dalka Yemen waxaa ka socda dagaallo culus, waxaana dalkaasi ku dhibban muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo an haysan qarash ay kusoo baxaan, waxaana ay soo dhowrayaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Goobjoog News