U bood dhigaalka

Dagaal Beeleed Ka Dhacay Deegaan Ka Mid Ah Gobalka Jubada Hoose

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeya Laba Beel oo walaalo ah ayaa ka dhacay deegaan ku dhaw deegaanka Hosingow ee gobalka Jubada Hoose, kaasi oo lagu magacaabo Waldiina.

Dagaalkaan ayaa sababay Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirtay, iyadoo dhinacyada dagaallamaya lagu soo waramayo in ay isku heestaan dhul beereed halkaasi ku yaalla.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan Hosingow ayaa u sheegay Goobjoog News halkaasi ay ku dhinteen Seddax qof, dhaawac badanna uu jiro,dagaalkana uu yahay mid weli halkaasi ka socda.

Ma jirto cid isku howshay in dhinacyadaan is haya ay kala dhexgasho, hase ahaatee dagaallada sidaan oo kale ah ayaa deegaankaan kusoo noqnoqday.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News