U bood dhigaalka

Khaatumo “Puntland Qaab Qaldan Ayeey u Fasirteen Maamulka Galmudug”

Sheeko:Dalka

Maamulka Khaatumo State ayaa sheegay in maamulka Puntland uu qaab qaldan u fasirtay maamulka loo sameeynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud, waxaana ay kula taliyeen maamulkaasi in uu ka fiirsado mucaaradnimada.

Wasiirka Warfaafinta Khaatumo State  Maxamed Gacmo Yare ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin maamul u dhisidda goballada Mudug iyo Galgaduud, islamarkaana dhankooda ay soo dhaweynayaan in dalka Federaalka uu ka hirgalo.

Waxa uu tilmaamay in Puntland aysan ahayn in ay mucaarado dhismaha dowlad gobaleedkani cusub, islamarkaana aysan u arag maamul iyaga duminaya.

“Madaxda maamulka wey ku fashilmeen siyaasadda Federaalka Soomaaliya, wax walba wey mucaaradayaan, midda kale iyaga ayaaba hadda is haysta oo bilaabay in dhexdooda is marin habaabiyaan, waxaan leeyahay Galmudug waa maamul Federaalka ka mid ah, anagane ka maamul ahaan waan taageeraynaa” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Khaatumo State.

Dhanka kale Mas’uulkaan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dibadbaxyo dhawaan ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Puntland, kaasi oo looga soo horjeeday dowladda Federaalka Soomaaliya.

Puntland ayaa aragti ahaan aad u dhaliilsan maamulka Galmudug ee haatan dhismahiisu gabagabada yahay, waxaana ay ku sheegeen mid xadgudub ku ah Dastuurka KMG ee dalka u yaalla.

Goobjoog News