U bood dhigaalka

Dowladda oo Ka Hadashay Shaqo Abuurista Dhalinyarada

Sheeko:Dalka

Warbixinta todobaadlaha ah ee dowladda kaga hadasho waxqabadkeeda ayaa lagu soo hadalqaaday shaqo abuurista dhalinyarada iyo waxa laga qabtay.

Warbixinta ayaa u qorneyd sida soo socota.

Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Shaqada ayaa 29kii June 2015 soo xiray ilaa 150 dhalinyaro ah tababar xirfado shaqo abuuris ah oo mudo bilo ah qaadanayay.

Tababarkan ayaa ahaa mid ay ku baranayeen xirfado ay ku shaqeystaan mustaqbalka, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale. Tababarkan ayaa waxaa iska kaashaday dowladda Japan isla markaana la soo marsiiyay ururka ILO iyo Modern Management. C/laahi Xuseen Maxamed oo ku hadlayay magaca hay’ada barnaamijkan qabatay ayaa sheegay in tababarkan uu ka koobnaa waxyaabo badan oo ay ka faa’idi karaan dhalinyaradii ka qeybgashay sida farsamada gaadiidka iyo kuwo kale. Daahir C/laahi Cabdi, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa muujiyaay ahmiyada ay leedahay fursadaha shaqo abuurista dhalinyarada Soomaaliyeed. Wasiir kuxigeenka shaqada iyo arimaha bulshada Cismaan Libaax Ibraahim oo ka hadlayay munaasabada ayaa dhiiri geliyay tababarada nuucaan ah oo dhalinyarada isla markaana shaqo loogu abuurayo.

Mudooyinkii ugu dambeyeey waxaa jiray dadaalo xirfado shaqo abuuris loogu sameynayo dhalinyarada oo in mudo ah haysatay shaqo la’aan.

Goobjoog News