U bood dhigaalka

Xisbiga Daljir oo In Ka Badan 300 Xubnood Tababar u soo Xiray (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Xisbiga Daljir oo ka mid ah Axsaabta siyaasadeed ee dalka ka jirta ayaa wuxuu u furay in ka badan 300-xubnood kana tirsan garabka dhalinyarada ee xisbiga gaar ahaan gobolka Banaadir (Youth training Program), wuxuuna tababarkani ka dhacay hoolka shirarka (xarunta tabobarada ee Somali Media Academy maalmihii Sabtida iyo Axada 4-5 july 2015 iyada oo halkaas loogu qaybiyay kaararkii xubinimada xisbiga Daljir.

Tababarkan oo isu jiray dhowr qaybood oo kala ah sidatan soo socota:

  1. Dhisida garabka dhalinyarada ee xisbiga Daljir (Building Daljir party Youth Wing)
  2. Sida loo maamulo xisbi siyaasadeed (How to Manage a Political party)
  3. Aasaasidda iyo shaqada xisbiyada siyaasadeed (The origins and Functions of political parties)

Tababarkaas oo soconayay mudo 2 maalmood ah,ayaa ugu horayn waxaa ka hadlay xog-hayaha Arimaha bulshada ee xisbiga Aways Sheikh Axmed ayaa yiri “tabarbarkani waa kii ugu horeeyey ee loo sameeyey dhalinyarada ku soo biirtay xisbiga kaas oo ka caawinaya sidii ay u noqon lahaayeen hogaamiyaal anfaca dalkooda”

Waxaa ku sii xigay Xoghayaha guud ee xisbiga Xasan Xaaji Ibraahim isaga oo soo dhoweeyay ku soo biirtitaankooda xisbiga wuxuuna ugu bushaaraayey inay qaadan doonaan tababar heer sare oo aqoontooda wadaninimo kor u qaadi doonta, si ay u hantaan aaayahooda una sameystaan mustaqbal aad u wanaagsan,xoghaha wuxuu ku dhiiri geliyay inay ku daydaan xisbigii gobonimodoonka soomaaliyeed SYL waayo xisbigaas waxaa aasaasay dhalinyaro iyagoo aan aqoon dheer lahayn, iyagoo gaarsiisyay wadaniyadda meel walba oo ay Soomali deggan tahay iyagoo aan haysan internet, mobile phone, iwm, xoghayuhu wuxuu ku dhiirri geliyay dhallinyarada inay wadaniyadaas soo celiyaan oo ay horsed ka dhoqdaan dib u dhiska dalkeenna.

Waxaa kaloo tababarka ka hadlay Dr.Adan Xaaji Ibraahim gudoomiye ku xigeenka xisbiga oo amaanay dhalinyarada cusub ee ku soo biirtay xisbiga isaga oo raja fiican ka muujiyay mustaqbalka siyaasada soomaaliya.

Ugu danbayntii waxaa soo xiray tababarka Gudoomiyaha Xisbiga Daljir Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo u balanqaaday dhalinyarada in uu tabarkani yahay hordhac oo ay heli doonaan tababaro badan maadaama aanay dhalinyaradu helin mudadii 25ka sano ee burburka lagu jiray wax wanaagsan oo ay ku daydaan oo aan ka ahayn qabqablayaal dagaal,laakiin waxaan ilaahay ugu mahadinayaa in ay manta baranaysaan wuxuu xisbi yahay si aad uga qaybgashaan talada dalka wuxuuna gudoomiyuhu yiri isaga oo hadalkiisa sii wata xisbigu cid kasta waa soo dhowaynayaa.

Goobjoog News

 

DSC00810 DSC00808 DSC00807 DSC00806 DSC00776 DSC00771 DSC00752 DSC00751 DSC00750 DSC00748