U bood dhigaalka

Gurmad Iyo Gargaar:- Soomaali Kasoo Carartay Yemen Oo Xalay Soo Gaaray Boosaaso

Sheeko:Dalka

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaa xalay saq dhexe kusoo xiratay doon ay saarnaayeen Soomaali kasoo carartay dagaallada ka socda dalka Yemen, kuwaasi oo tiro ahaan aan badneyn.

Dadkaan ayaa gaaraya 64 qof, waxaana siday doon lagu magacaabo Sultan, iyadoo gurmad degdeg ah loo sameeyay.

Waxaa dadkaan la dejiyay xerada soo dhaweynta dadka Soomaaliyeed ee kasoo cararay Yemen, waxaana dhinaca kale socda dadaal lagu doonayo in lagu sameeyo xerooyin kale.

Guddiga Qaxootiga Yemen ayaa u sheegay Goobjoog News in dadka u dhashay dalka Yemen la geyn doono magaalada Qardho, halkaasi oo loogu diyaariyay meel ay degaan.

Yemen waxaa ka socda dagaallo culus, waxaana halkaasi kasoo cararay muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed si ay u helaan amni.

Goobjoog News