U bood dhigaalka

Diyaarad Ay Leedahay IOM Oo Yemen Ka Keenaysa Muwadiniin Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Magaalada Sanca ee dalka Yemen waxaa maanta la filayaa in ay kasoo baxdo diyaarad ay leedahay IOM, taasi oo soo qaadaysa muwadiniin Soomaaliyeed, islamarkaana keeni doonta magaalada Muqdisho.

Mahad Maxamed Sheekh oo ka mid ah shaqaalaha safaaradda Soomaaliyeed ee magaalada Sanca ayaa u sheegay Goobjoog News in diyaaradaan ay maanta soo qaadi doonto 136 qof, islamarkaana sidoo kale todobaadkaan ay Seddax jeer dad soo qaadi doonto.

“IOM ayaa diyarad maanta kusoo qaadeysa dad gaaraya 136, anaga ayaa ka safaarad ahaan waxaan ka codsanay in ay dad ka badan 500 qof ay dalkii u qaado, weyna naga aqbaleen” ayuu yiri Mahad Maxamed.

Ugu dambeyn Mahad Maxamed Sheekh ayaa sheegay in safaaradda Soomaaliya ee magaalada Sanca ay diyaar u tahay in ay garab istaagto dadka Soomaaliyeed ee ku dhibban Yemen, islamarkaana mar walba ay la kaashan doonaan cid walba oo awood u leh wax u qabashada dadkaasi.

Dalka Yemen waxaa ku sugan muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed kuwaa oo u baahan gurmad badbaadin ah.

Goobjoog News