U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Loogu Baaqay In Gurmad Bini’aadanimo La Gaarto Shacabka Ceelhuur

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Ceelhuur ee gobalka Galgaduud ayaa ka qeylo dhaamiyay xaalad adag oo dhanka nolosha ah, taasi oo ka taagan deegaankaasi.

Gudoomiyaha deegaankaasi Maxamed Maxamuud Guurre oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in deegaankooda ay ka taagan tahay xaalad nolol xumo oo aad u daran, islamarkaana shacabka ay u baahan yihiin Gurmad degdeg ah.

Waxa ugu daran ayuu sheegay in ay yihiin helista biyo nadiif ah iyo sidoo kale xarumo caafimaad.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in dhowr jeer ay cabasho sidaan oo kale ah direen hase ahaatee aanay jirin illaa iyo iminka cid usoo jawaabtay.

Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Samafalka ah ayuu ugu baaqay in gurmad Bini’aadanimo lasoo gaaraan dadka shacabka ah.

Goobjoog News