U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Dad Badan Lagu Qabtay Ka Sameeyay Degmada Dharkeenley Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay howlgal amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyeen xaafado ka mid ah degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, kaasi oo dad badan lagu qabtay.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska ee degmadaasi Jaamac Caddow ayaa u sheegay Goobjoog News in howlgalka uu ahaa mid ay ku baacsanayeen, dad amni xumi wada, sidoo kalena ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Dadkaan lasoo qabtay ayaa taliye ku xigeenka waxa uu sheegay in ay ku jiraan dad ka ganacsada Maandooriyaha, sidoo kalena habeenkii dhac ku hayay dadka shacabka ah.

“Maadaama uu nasaaran yahay mas’uuliyadda dadka shacabka ah ee degmada Dharkeenley, waxaan sameennay xalay howlgal ballaaran oo ana kusoo qabanay dad ka ganacsada maandooryaha noociisa kala duwan sidoo kalena waxaan qabanay dad habeenkii xilliga dambe dadka Baangado ku isbaareysanaayay oo salaadii Subax xitaa laga aadi waayay, waxaana dhammaan dadka aan qabanay la tiigsan donnaa sharciga oo maxkamadda gobalka Banaadir ayaa la geynayaa” ayuu yiri Taliyaha.

Ugu dambeyn taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska ee degmada Dharkenley Jaamac Caddow ayaa sheegay in howlgalkaan aanu noqon doonin mid xalay ku eg, balse habeen iyo maalinba sidaan oo kale ay u sameyn doonaan.

Goobjoog News