U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo Ka Qeybgalaya Bandhigga Carwada Caalamiga Ah Oo Ka Socta Talyaaniga

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u amba baxay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga, halkaasi oo ay ka socoto Bandhigga Carwada Caalamiga ah.

Waxaa madaxweyne Xasan Sheekh Garoonka Aadan Cadde kusii sagoontiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Xubno ka mid ah Labada gole ee dowladda.

Bandhiggaan ayaa magaalada Milano ka socdey muddo Lix Bil ah, waxaana maalinta berri ah ku jira Bandhiggaasi, Madasha Maalgashiga Soomaaliya oo madaxweynaha uu ka qeybgali doono.

Sidoo kale waxaa halkaasi lagu soo bandhigi doonaa waxyaabaha dhaqanka u ah Soomaaliya oo maalin gaar ah la qaban doono, iyadoo goobtaasi ay ku sugan yihiin Ganacsato iyo fanaaniin Soomaaliyeed.

Maalinta ay ku beegan tahay 4-ta September madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in magaalada Rome ee dalka Talyaaniga uu kula kulmo dhiggiisa dalkaasi.

Goobjoog News