U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Magaalada Rome Kula Kulmaya Dhigiisa Talyaaniga

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Milano ee dalka Talyaaniga ayaa la filayaa in maalinta berri ah uu magaalada Rome kula kulmo dhigiisa dalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella waxa ay ka wada hadli doonaan arrimo u badan xiriirka Labada dal.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa la kulmi doona mas’uuliyiin kale oo wadanka Talyaaniga ah, iyadoo Soomaaliya iyo Talyaaniga uu ka dhaxeeyo xiriir muddo soo jiray.

Dhinaca kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxa uu ka qeybgalayaa Barnaamij u gaar ah Soomaalida oo lagu soo bandhigayo carwada caalamiga ah ee mudada Lixda Bil ka socota magaalada Milano ee Talyaaniga.

Goobjoog News