U bood dhigaalka

Waxgarad Ku Howlan Xalinta Xiisad Ka Jirta Magaalada B/weyne

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa ku mashquulsan xalinta xiisad ka jirta magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Maleeshiyaad loo maleynayo in qaab qabiil u abaabulan yihiin ayaa sabtidii lasoo dhaafay 14-november-2015, waxay xirteen wadooyinka muhiimka ah ee magaaladaasi, kadib markii ay ka gadoodeen sida la sheegay dil loo geystay sarkaal u shaqeynayay hay’adda Mine Action.

Wixii maalintaasi ka dambeyay magaalada B/weyne, waxay la ciir ciireysay xiisado, iyadoo maleeshiyaadkani ay diideen in la maro wadooyinka, ayna wataan gaadiid dagaal.

Shalay ayaa shacab badan oo ka carreysay dilka sarkaalkii u shaqeynayay Main Action, waxay dibadbax rabshado watay ka sameeyeen xaafadaha ay ka kooban tahay Baladweyne.

Odayaasha dhaqanka ayaa isku dayaya inay damiyaan xiisadda degmadaasi ka taagan, inkastoo weli aanay gaarin natiijo wax ku ool ah.

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax oo soo saaray qoraal waxa uu hay’adaha amniga ku amray in lasoo qabto cid walbo oo ku leh dilka sarkaalkaasi (Riix Halkaan).

Dhinaca kale wasaaradda amniga ayaa guddi baaritaan soo sameeya kana kooban 7 xubnood waxay u dirtay magaalada B/weyne, kuwaasi oo weli aan soo saarin natiijada baaritaankooda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News