U bood dhigaalka

Fannaaniinta Soomaaliyeed Iyo Tiknoolojiyadda Casriga Ah (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Isbedel badan ayuu soo maray fanka Soomaaliyeed, iyadoo heerarka uu soo marayna ay ahayd hadba mid la jaan qaadayay qaababka kale ee caalamka.

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa soo baxay fannaaniin Soomaaliyeed oo nasiib u helay inay la jaan qaadaan Tiknoolojiyadda Casriga Ah, kana dhib yar qaabkii hore ee heesaha loo qaadi jiray, inkastoo tayada heesaha ay fari ku godan tahay.

Qaadista heesaha Soomaaliyeed waxay soo mareen heerar kala duwan, xilli waxaa jirtay aanay jirin in fannaanku uu wax duubo oo heesta mar walbo ay ahaan jirtay toos, waxaa loo gudbay in la helo meello lagu duubo, Canjalado, iyo hadda oo lagu duubay Tiknoolojiyadda Casriga Ah.

Ayaan Hoodo waxay ka mid tahay fannaaniinta Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaana ay ka mid tahay dhallinyarada nasiibka u helay in ay ka faa’ideystaan Tiknoolojiyadda casriga ah.

Waxay sheegtay in marka ay xafladuhu iyo  bandhig faneedyada aanay ku daalin in mar kale ay ku luuqeeyaan heesta, hase yeeshee taasi bedalkeeda ay dib u adeegsanayaan heesihii horay loo duubay oo dib loo daarayo (Play Back) iyaguna ay bishimaha un la raacayaan maqalkii ay horay u duubeen.

Bal dib u eeg fannaaniintii hore iyo waayihii laga soo gubay ma aanu jirin dib u daaris xitaa riwaayadaha marka la dhigayo waxaa toos loo qaadi jiray heesta oo sideeda aanu waxba iska bedalayn.

Riix halkaan oo dhageyso wareysiga Ayaan Hoodo