U bood dhigaalka

Gargaar La Gaarsiiyey Dadka Ku Sugan Deegaannadii Wabiga Shabelle Ku Fatahay Ee Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Hay’ad samafal oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta ayaa kormeer ku sameysay qaar ka mid ah deegaannada hoos yimaada degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasi oo dhawaan uu ku fatahay Wabiga Shabelle iyadoo dhanka kalena gurmad gaarsiisay dadkaasi.

Maamulka degmada Mahadaay oo mas’uuliyiin ka socotay hay’adan kormeerka ku wehlinaya ayaa sheegay in fatahaadda ay saameyn ballaaran geystay islamarkaana ay biyuhu la tageen dalag beereed farabadan.

Hay’adan ayaa si horudhac ah waxay dadkani ugu qeybisay gurmad Timir ah, waxaana sidoo kale ay ballan qaaday dadka fatahaada ay saameysay ay gurmad kale lasoo gaari doonaan.

Wabiga Shabelle ayaa fatahaad ka sameeyay deegaanno badan oo ka mid ah gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana shacabka ay yihiin kuwo gurmad degdeg ah u baahan.

Deegaannada qaarkood wabiga uu ku fatahay waxaa isaga barakacay dadkii ku dhaqnaa oo qaarkood lasoo sheegayo inay hayso xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Goobjoog News