U bood dhigaalka

In Ka Badan 100 Qof Oo Lagu Qabtay Holwgal Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska ayaa lagu soo waramayaa in howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo kaasi oo lagu soo qabtay dad gaaraya 120 qof.

Howlgalkaan ayaa xooggiisa ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo uu ka arrimiyo maamulka Puntland, waxaana saraakiisha amniga ay sheegeen in ulajeedka howlgalkaan yahay sidii loo heli lahaa amni buuxa oo maagaalada ka hirgala.

Taliye ku xigeenka  Qeybta Booliska gobolka Mudug Cabduqaadir Faarax Shire oo la hadlay warbaaahinta ayaa sheegay in dadkaan ay holwglka ku qabteen u badan yihiin dhallinyaro, islamarkaana looga shakiyey inay qeyb ka yihiin amni darada Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay taliye ku xigeenka in dadkaan dhammaantood la baarayo wixii dambi lagu waayana lasii deyn doono waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wixii ka dambeeyay markii magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ay tageen ciidamada Danab ee sida gaarka ah u tababaran waxaa magaalladaasi  guud ahaan ka billowday howlgallo ka dhan ah dadka amni darada ka wada Gaalkacyo.

Goobjoog News