U bood dhigaalka

Faah Faahin: Al-shabaab Oo Weerartay Kolonyo AMISOM Oo Marayey Deegaanka Lambar 60 Ee Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degaanka Lambar Lixdan ayaa sheegaya in xaaladda degaankaasi ay maanta tahay mid deggan kadib weerar halkaasi ay ka geysteeen Xarakada Al-shabaab.

Wararka waxay sheegayaan in Al-shabaab ay weerareen kolonyo ciidamada AMISOM ah oo marayey wadada Lambar Lixdan kuwaas oo kusii jeeday degaanka Shalanbood ee isla gobolka Shabeellaha Hoose.

Maamulka degaanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyay jiritaanka weerarkaasi wuxuuna sheegay in xaaladda degaanka hadda ay wanaagsan tahay.

Guddoomiye xigeenka Lambar Lixdan Cali Nuur Axmed (Cali Buurow) ayaa beeniyay in wax khasaare ah uu weerarkaasi ka soo gaaray ciidanka AMISOM ee lagu qaaday.

Waxa uu sheegay in kolonyada AMISOM oo wadada socotay uu weerarka qabsaday kadibna ay iska caabiyeen raggii wax soo weeraray.

“Wax khasaare ah oo jira malahan iminkana xaaladdu way deggan tahay, ciidankii AMISOM waxay gaareen halkii ay u socdeen” ayuu yiri guddoomiye xigeenka deegaankaasi.

Dhanka kale Xarakada Al-shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkaan ayaa sheegatay inay khasaare gaarsiisay saraakiil ciidan oo kolonyadaasi qeyb ka ahaa.

Goobjoog News