U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Iyo Madaxa UNDP Oo Ka Shiray Arrimo La Xiriira Doorashooyinka Iyo Amniga

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke waxa uu magaaalada Muqdisho kula kulmay madaxa Hay’adda UNDP, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaa ka mid ah, horumarka dalka, doorashooyinka iyo amniga.

Kulankaasi ayaa markii uu soo gabagaboobay waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka wasaaradda qorsheynta xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Caynte, isaga oo sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo Soomaaaliya yimaado qof ah madaxa guud ee UNDP.

“Waxaaan ka wada hadalnay in qorshahan markii la dhameystiro hirgelintiisa dabcan ay billaabaneyso 2017, marka xukuumadda soo socota ee cusub ayaa iyadoo cusub nasiib u yeelan doonto meel ay kasii amba qaaddo arrimaha la xiriira horumarinta dalka iyo sidii lagu taageeri lahaa inuusan usoo gelin farqi hirgelintiisa, meelaha ay marayaan arrimaha amniga, arrimaha siyaasadda gaar ahaan doorashooyinka iyo arrimo kale oo aad u badan ayuu warbixin ka siiyey, waana markii ugu horreysay oo qofka ugu sarreeya UNDP yimaado Soomaaliya intii ay hay’addaasi jirtay, waana arrin muhiimaddeeda gaarka ah leh” ayuu yiri wasiir Caynte.

Madaxda UNDP ayaa shalay magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo arrimo dhowr ah ay ka wada hadleen.

Goobjoog News