U bood dhigaalka

5 Qof Oo Lagu Xirey Howlgal Ay Ciidamada Dowladda Ka Sameeyeen Degmada Kaxda, Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho waxay kusoo qabteen 5 ruux oo lagu eedeeyay iney wadeen falal amniga ka dhan ah.

Guddoomiyaha degmadaasi Maxamed Cismaan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ragga la qabtay ay habeenkii dadka shacabka ah ku dhici jireen Bistooladaha carruurta ku ciyaaraan iyo walxo kale oo loo ekeysiiyay qoryaha fudud.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in hadda ay baaritaan la marsiinayo raggan, kadibna maxkamad lasoo taagi doono.

“Ciidamada Ammaanka waxay gacanta ku dhigeen 5 nin oo saqdii dhexe habeenkii dadka ku isbaareysanayey bistooladaha carruurta, marar badan ayeey dadku soo cawdeen, kadib howlgal la sameeyay waa lasoo qabtay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Xilliyada habeenkii, shacabka degmada Kaxda ku nool waxay cabasho ka ahaayeen rag hubeysan oo ka dhacaya Taleedannada gacanta iyo waxyaabaha kale ee ay shacabku wataan.

Goobjoog News