U bood dhigaalka

60 Qof Oo Ku Geeriyootay Rabashado Ka Dhacay Xabsi Ku yaalla Brazil

Sheeko:Dalka

Dalka Brazil  xabsi ku yaalla waxaa ka dhacay rabshado waxaana la xaqiijiyey  in halkaasi ku dhinteen dad gaaraya 60 qof.

Xabsigan ayaa ku yaalla Gobolka Amazon ee dalka Brazil, iyadoo wararka ay sheegayaan in rabshadahaan ay ka dhex dhaceen xabsiga  xalay taasna ay sababatay in ay dhintaan dadkan, sidoo kale maxaabiista qaar ayaa waxay ka boodeen darbiyada xabsiga.

Sidaan oo kale dalka Brazil waxaa ka dhacay October,18, 2016  rabshado ay dhiig ku daateen kuwaas oo ka dhacay Saddex xabsi oo ku yaallo wadankaasi kuwaas oo ay qaar baxsadeen maxaabiistii ku jirtay.

Ururada uu dooda xaquuqda Aadanaha ayaa waxay ku  dhaliilaan dowladda Brazil in xabsiyada ku yaallo dhibaato loogu geysto maxaabiista.

Tiro koobyo la sameeyey waxay sheegayaan in hadda xabsiyada ku yaallo Brazil ay ku xiranyihiin dad kor u dhaafayo 622 kun oo qof waxayna ku jirtaa kaalinta 4-aad oo ah dowladaha ugu tirada badan ee dadka xabsiyada ku jira, halka ay kaalimaha kale ay ku jiraan Mareykanka, china iyo Ruushka.