U bood dhigaalka

Dhageyso: Gudoomiyahii degmada Dhoobleey oo is casilay

Sheeko:Dalka

Gudoomiyahii degmada Dhoobleey ee gobalka Jubada Hoose ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaasi, iyadoona ay jireen warar laga sii daayay warbaahinta qaar oo sheegayay in is casilaadiisa ay ka dambeeyay cadaadis dhanka hogaamiyaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Madoobe Kaga yimid.

Qeex Maxamed Cabdulaahi oo ah gudoomiyaha is casilay ayaa u sheegay Goobjoog Fm in marka hore xilkaasi uu iska casilay, islamarkaana aanu jirin in cadaadis uu kala kulmay Axmed Madoobe.

Waxa uu shaaciyay in uu kulan gaar ah la qaatay is casilaadiisa kadib Odayaasha deegaanka iyo xubno ka mid ah wafdigii Axmed Madoobe ku wehelinaya safarkii dagmada dhoobleey kuwaasi oo la shaaciyay inay dhex dhexaadinayeen isaga iyo Hogaamiyaha Maamulka Jubba inkastoo arimahaasi oo meesha ka saaray.

Dhawaan ayaa degmada Dhoobleey waxaa safar ku tagay hogaamiyaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe, waxaana wararku sheegayaan in khilaaf aan lasii shaacin uu soo kala dhex galay isaga iyo gudoomiyahii Dhoobleey oo ugu dambeyn xilka ka tagay.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News