U bood dhigaalka

Burcad badeed Soomaali ah oo sii deysay 7 muwaadin oo u dhashay dalka Hindiya (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Waxaa dib u helay xuriyadooda 7 ruux oo u dhashay wadanka Hindiya kuwaa oo muddo Afar Sano ah gacanta ugu jiray Burcad Badeed Soomaali ah.

Dhamaantood waxay ahaayeen Badmaaxiyaal, waxaana ay la socdeen xilligii la qabanaayay Markab marayay xeebaha Soomaaliya, iyadoo muddo badan uu socday dadaal xoogan oo la doonayey in lagu sii daayo.

Ajaaniibtaan ayaa lagu haystay deegaano hoostaga degmada Xarardheere ee gobalka Mudug, waxaana in ay helaan xuriyadooda iska kaashaday maamulka gobalka Gal-gaduud iyo sidoo kale wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya.

Xuseen Wehliye Cirfo oo ah gudoomiyaha dowladda Soomaaliya ee Gal-gaduud ayaa sheegay in tani ay ku guuleesteen markii ay dadaalo badan bixiyeen, waxaana uu sheegay in iyagu caawinaadda deesmada lahaayeen, isaga oo tilmaamay in taasi garab ku siiyeen wasaaradda Arimaha gudaha iyo sidoo kale dad Ajanabi ah oo uu sheegay in ay la macaamileen burcad Badeedii haystay dadkaan u dhashay Hindiyay.

Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhamaan dadkaan ay ka muuqato xaalad aad u adag, islamarkaana caafimaadkoodu uusan wanaagsaneyn.

Gudoomiye Cirfo ma aanu cadeyn in la bixiyay qarash madax furasho ah iyo in kale, balse waxa uu ku gaabsaday in dad ajaaniib ah ay la macaamileen Burcad Badeedii heestay dadkaan.

Todobada ruux ee Hindiya u dhashay waxaa loo soo qaaday dhanka magaalada Muqdisho, waxaana loo gudbin doonaa dhanka magaalada Nairobi, iyaga oo halkaasi wadankooda looga sii gudbin doono.

Halkaan hoose ka dhageyso Wariyaheena Gal-gaduud Cabdi weli Tooxoow oo warkaan inoo soo diray.

Goobjoog News