U bood dhigaalka

Gaadiidleyda Afgooye oo soo dhaweeyay Isbaarooyin la qaaday (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

isbaarGudiga gadiidleyda degmada Afgooye ayaa soo dhaweeyay howlgal dhawaan ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen wadooyinka gala degmadaasi, iyadoo halkaasi laga qaaday Isbaarooyin yaalay.

Xuseen Cilmi oo ka mid ah gudigaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in ay aad u wanaagsan tahay wadada islamarkaana laga qaaday Isbaarooyin dhibaatooyin lagu qabay yaaleen.

Waxa uu sheegay in hadda gaadiidka ay wadooyinka ku maraan si caadi ah, islamarkaana aysan arag askar lacago ka qaatay sidii halkaasi horay looga bartay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa bilaabay dhawaan howlgal xoogan, waxaana ay soo qab qabteen rag hubaysan oo wadooyinka Isbaaro dhiganaye.

Dhanka kale maamulka degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay cagta marin doonaan cid walba oo jidgooyo u taallo, sidoo kale ay dili doonaan shaqsigii madax adeeg sameeya.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News