U bood dhigaalka

Xubno isugu jira dowladda Federaalka, Siyaasiin iyo Waxgarad ku wajahan degmada Garbahaareey (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

GarbahaareeyXubno isugu jira Dowlada Federaalka Soomaaliya, siyaasiin, iyo waxgarad ayaa lagu wadaa in ay gaareen Magaalada Garbaharay ee xarunta gobalka Gedo si ay uga qayb galaan wajiga Labaad shir dib u heshiisiin ah oo lagu qabanayo Magaaladaasi.

Falanqeynta Nabadda iyo abaaraha ku soo noq noqday Gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa qayb ka ah waxyaabaha loogu hadli doono shirkan inta uu ka soconayo Magaalada Garbaharay.

Siyaasiinta lagu marti qaadayo shirkan ayaa dhankooda lagu heshiisiin doonaa halkaasi, kuwaas oo ku kala aragti duwan Maamulada laga hergalinayo Koonfurta Dalka oo uu ka jiro Gobolada Gedo.

Shir Gudoonka Shirkaasi Shiikh Cabdi kariin Shiikh Ibraahin ayaa sheegay in Xubno ka socda Maamulka KMG Juba ay ka soo qayb gali doonaan shirkaasi.

Sidoo kale mas’uulkaan ayaa inoo sheegay in xubanaha dowladda ka socda yihiin Xildhibaano, kuwaa oo horay usoo furay wejigii Koowaad ee Shirkaan kaas oo looga hadlay arimo ku aadan xalinta iyo iscafinta beelaha degan Gedo.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News.