U bood dhigaalka

WARBIXIN:- Maxay isku khilaafaan madaxdeenna? (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

DSC_0072Marka la eegayo ciwaanka warbixintaan oo hoos aad ka dhagesan kartaan ayaan ahayn mid diiradda lagu saarayo shaqsiyaad, balse waa mid ka hadlaysa madaxdii dalka soo martay iyo khilaafyadoodii badnaa.

Madax badan oo soo martay dalka waxa ay isku khilaafeen siyaasadaha dalka, waxaana qaarkood ay ka duulayeen arimo ku aadan is gaarid kursiga midkood uu saaran yahay, iyo in la’isku arko arimo ku aadan dan iska waayid ama wax la mid ah.

Khilaafkooda ayaa ku sii fido golaha sharci dajinta, waxaana taasi ay keentaa in xildhibaanada ay ku kala qeybsamaan.

Khilaafkii ugu horeeyay ee soo gala dhaxgala madaxweyne iyo raiisulwasaare waxa uu ahaay madaxweynihi ugu horeeyay ee Soomaaliya Adan Cabdule Cismaan (Aadan Cade) iyo Ra’iisul wasaarihiisii Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke.

Khilaafkaasi ayaa la ogaa wixii uu ku bilawday iyo sidoo kale halkii ay isla gaareen madaxdii waagaa.

Waxaa jiray khilaafyo badan oo uu ugu dambeeyo midka hadda ka dhex aloolsan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Halkaan hoose ka dhageyso Wariyaheena Ibraahim Xaaji Yuusuf oo warbixintaan diyaariyay.

Goobjoog News