U bood dhigaalka

Xubno ka socda maamulka uu hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo socdaal ku jooga degmada Xudur (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

XudurDegmada Xudur ee gobalka Bakool waxaa socdaal ku gaaray dhawaan xubno ka socda maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaa oo dhawaan doorashadiisa ka dhacday magaalada Baydhaba.

Xubnahaan ayaa sheegay in halkaasi ay u gaareen arimo badan oo ay ugu horeyso baahinta maamulka Koonfur Galbeed, iyo sidii ay ula kulmi lahaayeen waxgaradka halkaasi ku dhaqan.

Gudoomiyaha hor kacaya Xubnahaasi Xasan Sheekh Ibraahim ayaa sheegay in aysan ku ekaan doonin degmada Xudur islamarkaana ay u gudbi doonaan degaano kale oo ka mid ah gobalada Bay iyo Bakool.

Waxa uu sheegay Xasan in sidoo kale ay la kulmeen Maamulka Degmada Xudur oo ay ka wada hadleen sida ugu haboon ee lagu heli karo Maamul loo wada dhan yahay iyo sidii looga qeyb qaadan lahaa dhameystirka maamulka Koonfur Galbeed.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News