U bood dhigaalka

Wasaaradda Arimaha Dibadda Dowladda Federaalka Oo Dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqday Ka Qeybgalka Dib u Dhiska Dalka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Burci MaxamedWasaaradda arimaha dibadda xukumada Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka iyo sidoo kale in la helo umad wax qabsata.

Sii hayaha xilka wasiiru dowlaha wasaaradaasi Burci Maxamed Xamsa oo la dhalinyaro fara badan kula hadlyaya magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in mustaqbalka dalka ay iyagu ay yihiin, lana doonayo in ay u dhabar adeegaan sidii dalka loo dhisi lahaa.

Sidoo kale dhalinyarada jaamacadaha dhigta ayuu ugu baaqay in aqoontooda ay ku darsadaan in ay wax baaraan, islamarkaana baaritaanka ay sameenayaan ugu horeyso sababaha dhalinyarada Soomaaliyeed ay uga mid noqdaan Al-shabaab.

“Dhalinyarada waa in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka, oo aad iska ilaalisaan marka aad wax dhisaysaan sababtii keentay dhibaatooyinka aynu hadda ku jirno, mida kale horumar hadii aad sameynaysaa ha ahaado mid ahaado, tan kale waxaan rabaa inaad dhalinyarooy ku fikirtaan in dalka maanta uu idinka idiin baahan yahay” ayuu yiri Burci

Dhanka kale Burci ayaa ugu baaqay dhamaan dadkii wax ku bartay canshuurtii dalka xilligii dowaldii dhexe, ilaa hadana dalka ka maqan, in ay yimaadaan oo maanta la joogo xilligii ay gudi lahaayeen deyn uu sheegay in lagu leeyahay.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News