U bood dhigaalka

Maxkamada Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida Oo Digniin u Dirtay Ragga Xirta Dareeska Ciidanka Ee Shacabka Ku Dhiba Shabeelaha Hoose (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa digniin u dirtay dadka ku labisan dareeska ciidanka dowladda ee dhibaatada u geysta dadka shacabka ah.

Gudoomiyaha Maxkamadaasi Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in maxkamada ay sameysay maxkamada wareega oo la shaqeyn doonta gudi loo xilsaaray in ay wax ka qabtaan amniga guud ee gobalkaasi, cidii la qabtana meesheeda wax looga qaban doono.

Mr Shuute ayaa sheegay in cid walba oo lasoo qabto iyada oo wadata dareeska ciidanka dowladda, shacabkana dhibaato ku haysa in ay cadaaladda hor keeni doonaan, islaamrkaana sharciga waxa uu qabo lagu xukumi doono.

Dhanka kale gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur ayaa sheegay in taliyaasha lagula xisaabtami doono hadii aanay soo qaban askartooda ee dhibaatada ka geysta meelaha ay iyaga mas’uulka ka yihiin.

Deegaano badan oo ka mid ah gobalka Shabeelaha hoose waxaa ka jira Isbaarooyin ay dhigtaan rag hubaysan islamarkaana ku labisan dareeska ciidamada, iyadoo dadkaasi qaarkood oo shalay lasoo qabtay Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ay ku xukuntay degmada Afgooye.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News