U bood dhigaalka

Uganda oo fashilisay weeraro ka dhici lahaa Kampala

Sheeko:Dalka
Kampala
Kampala

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay fashilisay isku day weerar ah oo lagu doonayay in laga geysto magaalada caasimada ah ee Kampala.

Afhayeen u hadlay booliska dowladda Uganda ayaa sheegay in tuhun ku saabsan weerarkaasi loo soo qabtay ku dhawaad 40 ruux kuwaasi oo uu sheegay in uu baaritaan ku socdo.

Goor sii horaysay safaaradda Maraykanka ee Kampala ayaa sheegtay in xukuumadda Uganda ay baajisay weerar ay gaysan lahaayeen sida ay sheegeen xarakada Al-shabaab.

Safaaraddu waxa ay horay uga digtay weeraro aargoosi ah oo ay macquul tahay in Al-shabaab ay ku qaadaan danaha Maraykanka, iyaga oo ka jawaabaya weerarkii xaga cirka ahaa ee Maraykanku ay ku dileen hoggaamiyihii Al-shabaab horraantii bishan.

Booliiska dalka Uganda ayaa kor u qaaday ammaanka goobaha ay dadku isugu yimaadaan ee ku yaala caasimadda dalkaasi Kampala.