U bood dhigaalka

3 qof oo gaajo awgeed ugu geeriyooday deegaan hoos yimaada Ceel-waaq

Sheeko:Dalka

Saddex qof ayaa la xaqiijiyay in saacadihii la soo dhaafay ay gaajo ugu geeriyoodeen deegaan hoos taga degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.

Dadkan waxaa ku jira caruur waxaana ay ku noolaayeen meel shan Kiiloo Mitir u jirta degmada Ceel-waaq halkaasi oo ay haleeshay abaaraha ka jira gobolkaasi.

Cabdullaahi Buulle oo k mid ah masuuliyiinta degmada Ceelwaaq ayaa xaqiijiyay geerida saddexdan qof ee ku geeriyooday duleedka degmada Ceel-waaq.

Masuulkan ayaa xusay in waayadanba ay deegaankaas ka jireen kuleel iyo xaalado adag oo dhanka nolosha, waxa uuna ku baaqay in aan dadkan tabaaleysan lagu fiirsan dhibaatada soo wajahday.

Hoos ka dhageyso codka Cabdullaahi Buulle: