U bood dhigaalka

Ra'iisal wasaare Cabdiweli: Al-shabaab sidii hore ma ahaanayaan

Sheeko:Dalka
RW Cabdiweli Sheekh
RW Cabdiweli Sheekh

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo ku sugan magaalada London ayaa ka hadlay saameynta xarakada Al-shabaab ay ku yeelan karto dilka hogaamiyahooda.

Cabdiweli Sheekh ayaa sheegay in dilka hogaamiyaha Al-shabaab hoos u dhac ay u keeni karto dhaqdhaqaaqooda.

“Geerida hogaamiyihii Al-shabab wax badan oo isbedel ah ayey keeni kartaa maxaa yeeley markii keligii talis uu meesha ka baxo maamulkii uu hayeyna isna waa dhammaanayaa nidaamkaasna waa bur burayaa marka Godane wuxuu ahaa nin argagaxisanimada aad u yaqaan kaas oo gacanta ku hayey Al-shabab, Al-shabab waa jiri doonaan laakiin waa kuwa aan awoodii hore lahayn, waxaa jiri doona Al-shabaab awood ahaan liita, waxaa jiri doona Al-shabab niyadoodu aysan wanaagsaneyn oo aan geysan karin qatartii hore mana laha hadda awood muuqata.” Ayuu yiri ra’iisal wasaare Cabdiweli.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegatay dilka bilowgii bishan hogaamiyihii Al-shabaab loogu geystay gobolka Shabeellaha hoose.