U bood dhigaalka

Rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo soo dhoweysay shirkada Al-bayrak ee lagu wareejiyay maamulka dekedda Muqdisho

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdikariin Gabayre ayaa sheegay in ganacsatada soomaaliyeed ay soo dhoweynayaan shirkada laga leeyahay dalka Turkiga ee shalay lagu wareejiyay maamulka dekedda Muqdisho.

Gabayre ayaa geesta kale tilmaamay in aysan wax iska badali doonin canshuurta la saaro waxyaabaha ay ganacsatada soomaaliyeed ay dekedda Muqdisho ka soo dajiyaan.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in ay ganacsatada Soomaaliyeed ay dhowaan billaabi doonaan badeecado badan oo ay caalamka u dhoofin doonaan.

Rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa sheegtay in dhismo lagu sameeyo dakkadda ay fursad u siinayso Soomaaliya iney wax dhoofiso si lamid ah sida ay wax u soo dhoofsato.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shalay si buuxda ugu wareejisay shirkad laga leyahay Turkiga oo lagu magacaabo Al-bayrak si ay u maamusho isla markaana u dhisto dekedda Muqdisho.