U bood dhigaalka

Boqorre: Baarlamaanka ayaa la hor geynayaa is qabqabsiga maamul goboleedyada (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Cismaan Cilmi Boqorre
Cismaan Cilmi Boqorre

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in golaha shacabka la hor geynayo is qabqabsiga siyaasadeed ee ka taagan gobolada dalka iyo shirarka iska soo hor jeeda.

Boqorre oo qeyb ka ah guddiga garsoorka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isaga oo la hadlaya Goobjoog FM tilmaamay in golaha loo soo gudbiyay xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan gobolada dalka kuwaasi oo quseeya dhismaha maamul goboleedyada dalka.

Waxa uu xusay in shirarka kala duwan ee iska soo hor jeeda ee ka kala socda gobollada Gedo, Jubbada hoose iyo shirka kale ee qaban qaabadiisu ay ka socoto degmada Cadaado uu dhowaan kaalintiisa ka qaadanayo golaha shacabka soomaaliyeed oo uu sheegay in uu waajib ka saaran yahay arimahaasi.

Hadalka mudanahan ayaa ku soo beegmaya xilli shirar is barbar socda ay ka socdaan magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo iyo Garbahaarey iyada oo dhowaan la filayo shir gogol xaar u ah maamul loo dhisayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

 

Hoos ka dhageyso codka Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre: