U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay wax ka qabaneyso shaqo la'aanta muwaadiniinta

Sheeko:Dalka

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan ogolaan doonin in shaqaale ajaanib ah ay qabtaan shaqooyin ay u baahanyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in wasaaradu ay soo saartay go’aano lagu muujinayo xuquuqda shaqo ee muwaadiniinta iyo dadka ajaanibta ah ee dalka ka shaqeeya.

Waxa uu tilmaamay agaasimaha in aysan xukuumaddu raali ka ahayn in shaqaale ajaanib aysan ka shaqeyn doonin shaqooyinka ka bannaan gudaha dalka hadii ay jiraan dad soomaali ah oo baahi u qaba shaqadaasi isla markaasina qaban kara.

Hadalka masuulkan ayaa ku soo beegmay xilli shaqo la’aan baahsan ay soo food saartay arday wax ku baratay gudaha dalka iyo dibadaba.

Dadka ku nool gudaha Muqdisho ayaa tilmaama in hay’adaha qaar ay ka howl galaan ajaanib kala duwan oo ka yimid daafaha caalamka xilli ay baagamuundo yihiin muwaadiniin wax ku bartay gudaha dalka.

Qaar ka tirsan ardayda dhameystay waxbarashada ayaa ku andacooda in shaqo la’aan awgeed ay uga tagaan dalka iyaga oo naftooda ku biimeeya goobo halis ah oo ay ugu darantahay tahriibka.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kasta ku celceliya in ay shqo abuur u sameyn doonaan muwaadiniinta.