U bood dhigaalka

Mashiinka ATM ee lacagaha lagala baxo oo laga hirgeliyay Muqdisho

Sheeko:Dalka

ATM

Waxaa magaalada Muqdisho markii ugu horeysay laga bilaabay in mashiinka lacagaha lagala baxo laga hir geliyo gudaha magaalada.

Dadka ku nool caasimadda Soomaaliya ayaa bilaabay in ay isticmaalaan mashiinka lacagta lagala baxo ee loo yaqaan ATM.

Mashiinkan ayaa lagu dhex rakibay qaar ka tirsan hoteelada.

Bankiga Salaam ayaa ah hirgeliyaha barnaamijkan macaamiisha u ogolaanaya in ay la baxaan lacag caddaan ah oo Doolar-ka Mareykanka ah.