U bood dhigaalka

Madaxwaynaha dalka oo xariga ka jaray Bankiga Caalamiga ee Somaaliya(IBS)

Sheeko:Dalka

[huge_it_slider id=”66″]

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxa uu xariga ka jaray Bankiga caalamiga ee Soomaaliya, International bank of Somalia (IBS) kaas oo ku shaqeyn doona shuruucda u taalla Bankiyada caalamiga ah.

Munaasabad xariga looga jarayay bankigaan oo ka dhacday xaruntiisa ugu weyn oo ku taalla degmada Xamar weyne ee gobalka Banaadir ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Bankiga dhexe ee Soomaaliya, wasiirka dib u dhiska, Hey’ada Culimada Soomaaliyeed, guddoomiyaha gobalka Banaadir, rugta ganacsiga Soomaaliyeed, ganacsato iyo marti sharaf kale.

Bankiga oo ah Banki Islaami ah ayaa ka hor inta aan khudbada ku aadan furitaankiisa aysan bilaaban waxaa xariga ka jaray madaxweynaha dalka kaas oo kadibna lagu soo wareejiyay qeybha uu ka koobanyahay.

Dhammaan masuuliyiintii ka hadashay xaflada waxa ay ku amaaneen ganacsatadii furtay Bankigaan oo dhamaan Soomaali ah in ay yihiin kuwa ku dayasha mudan maadaama ay keeneen bankigii ugu horeeyay ee qaab caalami ah u shaqeynaya.

Ugu horeyn waxaa munaasaba ka hadlay maamulka guud ee IBS kaas oo sheegay in Bankiga abaabulkiisa ay lahaayeen ganacsata Soomaliyeed uuna la jaan qaadi doono habka caalamka, isaga oo daaha ka rogay in Baanku uu leeyahay “Swift code” oo ah habka ay ku xariiraan bankiyadu.

Waxa uu intaa raaciyay in ruuxii lacagtiisa dhigtaahi uu faa’iido ku helayo, sidoo kalana bankigu uu shatiga ganacsiga ee LC u sameyn doono ganacsatada uuna xooga saari doono, hurumarinta ilaha dhaqaale ee dalka sida beeraha iyo xoolaha uuna sameyn doono maal gelin mashuucyada loola yimaado hadii ay ahaan laheyd mid shaqsi wato ama shirkad, sidoo kalana uu hir geli doono waxa loo yaqaanno “Micro Finace” si dadka danta yar fursado ay u helaan.
Madaxweynaha Soomaaliya oo munaasabada ka jeediyay khudbad dheer ayaa waxa uu ku booriyay Soomaalida lacagtoodu taallo bankiyada caalamka in ay soo dhigtaan Bankigaan cusub si bankiga ay ugu sahlanaato in uu maal gelin dalka ku sameeyo.

Dalka Soomaaliya oo ay horay uga jireen bankiyo ayaa waxa uu u baahnaa banki caalami ah maadaama bankiyadii hore ay ku koobnaayeen oo kali ah gudaha dalka oo aysan awoodin in ay u gudbaan dunida inteeda kale.